Home Ciyaaraha Mbappe, Salah, Ronaldo, Haaland, Saul, Richarlison, Trippier, Van de Beek & Wararkii...

Mbappe, Salah, Ronaldo, Haaland, Saul, Richarlison, Trippier, Van de Beek & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga weerarka uga ciyaara Everton ee Richarlison si ay badal uga dhigto Kylian Mbappe kaas oo doonaya in uu ku biiro Real Madrid (Eurosport).

Dhanka kale kooxda PSG ayaa doonaysa in ay 140 milyan oo euro ku dalbadaan xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah Si ay ugu badasho Kylia Mbappe kaas oo ku biiri kara Real Madrid xagaaga (L’Equipe).

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa isku dayi doona in uu ku biiro kooxda Man City inta uuna xidhmin suuqa xagaagan (L’Equipe).

Milkiilaha kooxda PSG ayaa doonaya in uu Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ku mideeyo PSG hadii uu Kylian Mbappe ka tago kooxda suuqa xagaagan (Marca).

Xiddigaha kooxda Man City ee Joao Cancelo Bernardo Silva & Ruben Dias Ayaa isku dayaya in ay Cristiano Ronaldo ku qanciyaan in ku soo biiro Man City xagaagan (L’Equipe).

Kooxda Man United ayaa ugu cad-cad in ay xagaaga dambe la soo saxiixato xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland (Bild).

Kooxda chelsea ayaa dalab Rasmi ah oo amaah ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (Guardian).

Kooxda Arsenal ayaa dib u soo cubsoonaysiisay xiisaha ay u qabtay xiddiga daafaca uga ciyaara Atletico Madrid ee Kieran Trippier (Eurosport).

Laakiin xiddiga Kieran Trippier ayaa iska diiday Arsenal kana doorbidaya ku biirista kooxda Man United (Eurosport).

Xiddiga Harry kane ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uuna ku biiri doonin kooxda Man City siina joogi doono Tottenham (Twitter).

Kooxda Arsenal ayaa iska iibinaysa 7 xiddig oo ay ka mid yihiin xiddigaha Willian iyo Hector Bellerin (Standard).

Kooxda PSG ayaa xaqiiqjisay in ay Real Madrid dalab Rasmi ah oo 160 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (RMC).

Laakiin PSG ayaa isla markaasna xaqiijisay in ay diideen dalabkaas xilli uu Kylian Mbappe u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid (RMC).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Donny van de Beek ayaa iska diiday kooxo doonayay saxiixiisa si uu u sii joogo Man United (Times).

Kooxda Man United ayaa iska fogaysay warar la xidhiidhinaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (Mail).

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link