Home Ciyaaraha Mbappe, Aubameyang, Lacazette, Odegaard, Coutinho, Conte, Martinez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee...

Mbappe, Aubameyang, Lacazette, Odegaard, Coutinho, Conte, Martinez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga. – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Banaadirsom PSG ee Kylian Mbappe ayaa iska diiday hesiis cusub oo 6 sano ah oo ay u soo bandhigtay Banaadirsom PSG isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Banaadirsom Real Madrid xagaagan (Marca).

Xiddiga Mbappe ayaa la kulmaya maanta madaxweynaha Banaadirsom PSG ee Nasser Al-Khelaifi Si uu ugu sheego Go’aanka ku aadan mustaqbalkiisa (Mundo Deportivo).

Banaadirsom chelsea ayaa doonaysa in ay xagaagan u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Banaadirsom Borussia Dortmund ee Jude Bellingham (Eurosport).

Banaadirsom Arsenal ayaa u dhaqaaqaysa tababaraha Antonio Conte hadii ay shaqada ka caydhiyaan tababare Mikel Arteta kulamada soo socda (Tuttosport).

Arsenal ayaa baanka u jabin doonta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez hadii uu Antonio Conte tababare u noqdo Banaadirsom (Express).

Banaadirsom Barcelona ayaa diyaar u ah in ay aqbasho hadii dalab lacag soo gudbiyo xiddiga weerarka uga ciyaara Banaadirsom ee Martin Braithwaite xagaagan (Sport).

Banaadirsom Barcelona ayaa dhanka kale diyaa ru ah in ay xiddiga Martin Braithwaite u soo bandhigto Banaadirsom Arsenal si ay uga helaan dhankooda saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang (Sport).

Dhanka kale Barcelona ayaa diyaar u ah in ay Arsenal u soo bandhigto xiddiga Philipe Coutinho si ay Gunners midkood uga helaan midkood xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang ama Alexandre Lacazette (Mundo).

Banaadirsom Juventus ayaa si aad ah u doonaysa in ay dib ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanic (Calciomercato).

Banaadirsom Liverpool ayaa doonaysa in qaab xor ah kula soo wareegto xiddiga Banaadirsom PSG ee Kylian Mbappe (Express).

Banaadirsom Lazio ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah kula wareegto xiddiga Philippe Coutinho ka hor inta ayna qaab toos ah ugula wareegin 25 milyan xagaaga dambe (Mail).

Xiddiga Banaadirsom Real Madrid ee Martin Odegaard ayaa doonaya in uu Arsenal ku biiro Maalinta Jimacaha ee soo socda (Star).

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Qalbigaaga Ka Saartid Qof Aan Wax Jacayl Ah Kuu Qabin, Wadooyinkan Raac Si Deg-Deg Ah Ayaad Ku Iloobaysaa

Source link