Home Ciyaaraha Maxuu Jose Mourinho Ka Yiri Rigooradii Ingiriiska Ee Kulankii Denmark? – banaadirsom

Maxuu Jose Mourinho Ka Yiri Rigooradii Ingiriiska Ee Kulankii Denmark? – banaadirsom

Tababaraha Roma ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay rigooradii Ingiruiiska loo dhigay kulankii Denmarka , waxa uuna hoosta ka xariiqay in garsooraha ku qaldamay go`aankii uu qaatay

Isla waqtigaas , waxa uu Jose xusay in Ingiriiska midnaayeen in finalka euro 2020 u soo baxaan balse uu ka niyad jabsan yahay rigooradii loo dhigay

Waqtigii caadiga , labada qaran waxa ay isla dhaafi waayeen min hal gool , waxaana lagu daray waqti dheeri iyadoo ka dib garsooraha u dhigay Ingiriiska rigooro dood badan dhalisay

Talk Sport ayuu Jose Murinho ka yiri ” Ingiriiska marka la eego heerkii ay tartankaan uga soo muuqdeen waa mudnaayeen balse ma fahmin go`aankii garsooraha, xittaa shaashada VAR ma uusan tagin”.

“Waa hubaal ma aheyn rigoore , garsooraha waa uu fududaaday” ayuu sii raaciyay Jose Mourinho.

Ingriiska ayaa axadda dambe waxa ay qaabilayaan Italy oo iyana finalka uga gudubtay dhigooda Spain waxa uuna kulankaas ka dhacayaa Wembley

 

Source link