Home Ciyaaraha Maxuu Dani Ceballos Ka Damacsan Yahay Mustaqbalkiisa Real Madrid? – banaadirsom

Maxuu Dani Ceballos Ka Damacsan Yahay Mustaqbalkiisa Real Madrid? – banaadirsom

Dani Ceballos ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Real ka dib markii kooxdaas uu ku laabtay dhawaan

Dani Ceballos ayaa laba xilli ciyaareed oo amaah ah ugu jogay Arsenal waxa uuna xagaagaan dib ugu laabtay kooxdiisa oo u diyaar garoobeysa xilli ciyaareedka cusub

Wargeyska AS ayuu ka sheegay laacibka in uu u dagalamayo in uu baaqi ku sii ahaado kooxdaas ka dhisan caasimada.

“Waxaan doonayaa in aan guulo la gaaro Real , dhab ahaan waxaan dagaal u galayaa in aan halkaan baaqi ku sii ahaado”.

“Tijaabadeydii Arsenal iyo horyaalka Ingiriiska waxa ay iga yeeshay mid xooggan , haatan waxaa la  joogaa waqtigii aan guulaha la soo hoyin lahaa Real”

Laacibka ayaa ka soo horjeeda in mar kale xagaagaaan amaah lagu diro waxa ayna wararka tilmaamayaan in haddiiba ay dhaceyso in uu doorbidayo in toos loo iibiyo .

Hishiiska Dani Ceballos ee Real ayaa dhacaya xagaaga 2023-ka , waxaana dooneysa xagaagaan banaadirsom Ac Milan

Source link