Home Wararka Maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo saartay digniin ku saabsan doorashada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo saartay digniin ku saabsan doorashada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Guddoomiye Shuute ayaa ciidamada qalabka sida ee kala duwan uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan inay farageliyaan doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya.

Guddoomiye Shuute waxaa uu ku amray Xeer ilaalinta maxkamadda inay dacwad kasoo gudbiyaan askarigii ama sarkaalkii farageliya Arrimaha doorashooyinka ee xilligaan ka socda dalka.

Shuute ayaa sheegay in askarigi ama sarkaalkii lagu helo inuu faragelin ku sameeyey doorashada Soomaaliya lagu ciqaabi doono in gebi ahaanba laga saaro liiska Dowladda Soomaaliya.

“ Meel kasta oo Ciidan uu joogo waan tegi doonaa, waxaana farayaa xafiiska Xeer ilaalinta in uu galdacwadeed kasoo gudbiyo ciidamada dhexdooda oo ka dhan ah shaqsiyaadka, iyada oo ciidamada ka tirsan ku milmay siyaasadda, waxaana qofkii lagu helo uu noqon doonaa mid aan u qalmin in uu ciidamada kasii mid ahaado ayuu yiri”  Guddoomiye  Shuute.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa daba socda xilli Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ay dhowr jeer sheegeen in Madaxda joogta Villa Soomaaliya ay Ciidamada u adeegsadeen in lagu boobo doorashada.

Lama ogo waxa ay faragelinta ciidamada ee doorashada Soomaaliya ka badali doonto hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida inkastoo dhawaan lagu heshiiyey inay amniga doorashada sugan ciidamo isku dhaf ah iyo kuwa AMISOM.

Soomaaliya ayaa gashay xaalad doorasho, waxaana la doortay illaa 9 xildhibaan oo aqalka sare ah oo kasoo kala galay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana doorashada Soomaaliya ka socoto mas’uul ka ah Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyey mas’uuliyadaas.

 

Source link