Home Wararka Maanta Maxey kawada hadleen Cumar Filish iyo Safiir Xamsa Asad?

Maxey kawada hadleen Cumar Filish iyo Safiir Xamsa Asad?





Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza Assad.

Kulankan ayaa loogaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku lee dahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay saaxiibo dhow la tahay Madaxda Villa Soomaaliya gaar ahaan Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.

Sanadkan waxaa muuqata in Qatar aysan taageeri doonin Maxamed Farmaajo islamarkaana ay wadato musharax cusub kaa oo daaha gadaashiisa ay kala macaamisho

 




Source link