Home Wararka Maanta Maxay kawada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Warsame?

Maxay kawada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Warsame?





Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kawada hadlay Arrimaha Doorashooyinka & Xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo muddo socday waxa ay Rooble & Warsame isaga xog-wareysteen doorashooyinka bilawday, dhiiragelinta dedaallada socda & tallaabada Xukuumadda ay ka qaadatay wareegtadii u dambeysay ee kasoo baxday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yiri: “Waxaan kulan la qaatay Raysal wasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka”.

Dhanka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Xukuumadda ilaa haatan kama aanay hadlin kulankaan, Wasiirka koowaad ee XFS ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhinacyada ku lugta leh siyaasadda.

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa si cad uga hor yimid wareegtada uu soosaaray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu Xukuumaddiisa amray in si caadi ah howlahooda u wataan howlaha ay sii wadayaan ilaa inta Xukuumad badasha laga helayo.

 




Source link