Home Wararka Maanta Maxay ka wada hadleen RW Rooble & dhigiisa Sheekh Khalid Bin Khalifa...

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & dhigiisa Sheekh Khalid Bin Khalifa Aala Thani?

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo dhigiisa dalka Qatar Shiikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Thani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal kooban soo saray ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka.

Warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso inay saameyn ku yeelato, iyadoo loolan kula jirta dowlada Imaaraadka iyo dowlado kale.

Qatar ayaa doorashooyinkii ugu dambeeyay ee sanadkii 2007 ka dhacay Soomaaliya ku la hayd saameyn badan oo keentay iney ku soo baxaan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee DF oo illaa xiligaas ay taageero siineysay.

Source link