Home Wararka Maanta Maxay ahaayeen saddexda diyaaradood ee Villa Somalia ay ka dajisay Garbahaarey?

Maxay ahaayeen saddexda diyaaradood ee Villa Somalia ay ka dajisay Garbahaarey?

Ugu yaraan Saddex diyaaradood oo ay kireysay Villa Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaaqyo siyaasadeed oo ku aadan 16-ka kursi ee aqalka hoose ee yaalla degmadaas.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeyn Badweytims  diyaaradaha laga dajiyey Garbahaarey ayaa siday odayaal dhaqameed maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa mid ka mid ah hoteella magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida xogta sheegeyso, odayaasha dhaqanka ayaa lala kulan-siiyey hogaanka dhaqanka iyadda oo ay wehliyaan saraakiil taabacsan Villa Somalia oo ku sugan magaaladda Garbahaareey.

Xildhibaan hore Cabdullaahi Cabdulle Magan (Bood) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa uu sheegey in aggaasimaha NISA Fahad Yasiin uu fashilinayo dadaalada uu wado Ra’iisul  Wasaare Rooble maantana uu odayaal ku xir-xirey Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in musharixiin u raadinayay gudoomiyaha Garbahaareey lagu celiyay magaaladda Muqdisho diyaaradaha lagu wargaliyay inaysan ka qaadi karin magaaladda Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Maanta tagay Magaalada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka  iyo siyaasiyiinta ku sugan deegaankaas.

 

Source link