Home Wararka Maanta Maxaa kusoo kordhay xaaladda Magaalada Beledweyne?

Maxaa kusoo kordhay xaaladda Magaalada Beledweyne?

Waxaa saacadihii la soo dhaafay degan xaaladda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo haben ka hor gashay xaalad khalqal ah kadib markii Ciidamo ka tirsa n kuwa qeybta 27aad ee goadoodsan ay la wareegeen Xarumaha Maamulka, iyaga oo sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uusan tegi karin Beledweyne.

Wararka naga soo gaaraya Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dhamaan Goobaha Ganacsiga, Waxbarashada ay furan yihiin, sidoo kale nolosha kale ay caadiga ah ay socota, isla markaana Ciidamada ay wlei ku sugan yihiin Xarumihii ay la wareegeen.

Dhinaca kale Magalada Beledweyne waxaa ka socda kulamo xal raadin ah oo ay wadaan Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle oo uu kamid yahay  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen oo la filayay in uu shalay tago Magaalada Beledweyne ayaa uga baaqsaday kacdoonka jira, waxaana socda wada-hadallo lagu doonayo in lagu dhameeyo xiisadda.

 

Source link