Home Wararka Maanta Maxaa ka jira in Farmaajo uu la xiriiray Sacuudiga si loo baajiyo...

Maxaa ka jira in Farmaajo uu la xiriiray Sacuudiga si loo baajiyo casuumaada uu u fidiyay…

Ilo wareedyo katirsan Wasaradda Arimaha Dibadda Xukuumada Federalka Soomaliya oo u badan kuwa sida dhaw ula shaqeeya Farmaajo Farmaajo sheegaya  in Safiirka Sucuudiga u fadhiyo Nairobi uu lasoo xiriiray Madaxtooyada, isagoo ka jawaabayo codsi uu Farmaajo u diray  ee ahaa in la baajiyo casuumada aay Sucuudiga u fidisay Raisul Wasaraha iyo Dowlad Goboledyada.

Waxaa xogtan kasoo baxday kooxda Farmaajo ay sheegeysa in Safiirka Sucuudiga uu Madaxtooyada Soomaliya u sheegay inay codsigaas aqbaleen aayna tixgalinayan madax banaanida Soomaliya, isla markaasina la baajiyay casuumadaas.

Geesta kale waxa  dhacay kulan qarsoodi ah oo u dhaxeeyay Diblomaasiyinta safaarada Qatar ee Muqdisho iyo Madaxda sadexda Dowlad Goboleed ee kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle , wexeyna Dowladda Qatar  u sheegtay ineey baajiyan safarka Sucuudiga, taas badalkeedana iyaga bixin doonan sooryada iyo dhaqaalaha doorashada.

Ugu dambeyn ilo wareedyo katirsan Wasaradda Arimaha Dibadda Soomaliya aya sheegay in Madaxtooyada Soomaliya iyo Sucuudiga ay ku heshiiyeen in bilowga bisha September uu safar ku tago Riyaadh Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Federalka Soomaliya mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

 

Source link