Maxaa Ka Cusub Xiisihii Man United Ee Saxiixa Denis Zakaria i? – Banaadirsom

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in aysan wali wax dalab ah ka gudbin Denis Zakaria inkasta oo dhawaan la isla dhexmarayay in xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Monchengladbach uu baxayo.

Zakaria ayaan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxdiisa Jarmalka, taasoo la micno ah inuu haatan xor u yahay inuu wadahadalo la galo kooxo kooxda uu doono si hishiis hor dhac ah ula gaaro.

Man United ayaa si xooggan loola xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Switzerland iyada oo la xusayo in loo ogolaan karo in uu kaga tago Monchengladbach heshiis jaban inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu qabo saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ayaan weli wax dalab ah ka gudbin ciyaaryahanka khadka dhexe.

Romano ayaa sheegay in macalinka ku meel gaarka Unitred ee Ralf Rangnick uu aad ula dhacsan yahay laaicbkaas , laakiin kooxda ka ciyaarta Premier League ayay u badan tahay inay tartan kala kulmi doonto ugu yaraan afar kooxood oo saxiixa Zakaria

Wiilkaas reer Swiss ayaa mar kale muhiim u ah kooxdiisa Bundesliga inta lagu jiray ololiha 2021-22, isagoo saftay 16 kulan tartamada oo dhan, waxa uu dhaliyay labo gool iyo hal caawin.

Man United ayaa la filayaa inay la soo saxiixato ugu yaraan hal khadka dhexe ka hor xilli ciyaareedka 2022-23, iyadoo Paul Pogba iyo Donny van de Beek ay labadooduba dhaqaaqi karaan sanadkaan.


Source link