Home Wararka Maanta Maxaa ka cusub Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan?

Maxaa ka cusub Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan?

Magaalada Baladweyne gaar ahaan Xaafadda Xaawo Taako waxaa la wareegay Ciidamo la magac baxay “Badbaadada Hiiraan” oo sheegay in ay diidan yihiin safarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe uu tago Magaaladaas.

Korneyl Cabdullaahi Cilmi Barre oo dhawaan laga qaaday xilka abaanduulaha guutada 5-aad qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo hoggaamiye u ah ciidankaas qabsaday Xaafadda Xaawo Taako waxa uu sheegay in aanay aqbali doonin socdaalka Madaxweynaha.

“Aniga oo ah Ciidanka Badbaadada Hiiraan waxa aan si nabadgalyo ah kula wareegnay Xarunta Gobolka Hiiraan laga xukumayay, waxaana kalifay in aan arrintaas sameyno waa dhibaatada loo geysanayo Shacabka, Ciidamadu sidoo kale waxa ay la wareegeen xarunta lama-galaay” ayuu yiri Korneyl Cabdullaahi Cilmi Barre.

Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta waxa uu ugu baaqay in aanay loo adeegsan duullaan ka dhan ah kooxdaan la magac baxday “Badbaadada Hiiraan” sida uu hadalka u dhigay Korneyl Cabdullaahi Cilmi Barre.

Korneyl Nuur Dheere waxa uu soo qabtay Xilka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe, sababta gadoodku ay u sameeyeen waxa uu ku sheegay in ay ka dhalatay dhibaatooyin ka jira Gobolka Hiiraan oo in muddo ah la daawanayay.

Xaafadda Xaawo Taako waxaa ku sugan Ciidanka la magac baxay “Badbaadada Hiiraan”, halka Xaafadda Kooshin ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta DG Hir-Shabeelle & kuwa Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.

 

Source link