Home Arimaha Bulshada Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka...

Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka Hadlay. – Banaadirsom


Maalmihii ugu dambeeyay waxa si weyn baraha bulshada la iskula dhexmarayay In Hadii Uu Ninku U Galmoodo xaaskiisa iyada oo Diidan in ay Tahay Kufsi waliba xaaraan tahay taas oo muran badan ka dhex dhalisay bulshada Somalida.

Arintan ayaa ah mid ku cusb Somalida oo aan horay loo maqal waan arin ayna diinta Islaamku meelna ku sheegin waliba tahay arin laga soo qaaday dhanka reer galbeedka iyo dadka Gaalada ah.

Hadaba maanta waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xog muhiim ah oo ku saabsan hadii ay Gabadhu diido Ninkeeda iyo waxa ay diinta Islaamku ka sheegtay arintaas.

Ugu horayn arimahan ah in hadii uu Ninku u galmoodo xaaskiisa oo aan ogolayn in ay tahay kufsi waa arin inaga soo gashay dhanka reer galbeeda iyo waliba gaalada kuwaas oo doonaya in ay xadka ka saaraan dumarka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Somalida oo ah dumarka ugu badan ee leh dhanka, xishoodka iyo Ixtiraamka weyn.

Gabadha guud ahaan looma ogola umana banaana in ay Diido Ninkeeda sida sharciga ah ku qaba in ay diido iyada oo aan haysan cusur daar sharci ah ama wax loogu garaabo oo ay ku doodi karto.

Nabigeena Muxamed {N.N.K.H} ayaa sheegay” Hadii uu Ninku xaaskiisa u baahdo oo uu Gogosha ugu yeedho Laakiin ay Cudur Daar La’aan Diido Ninkeeda Waxa Nacsalaysa Malaa’ikta ilaa inta laga gaadhayo Subaxda”. Waxa wariyay Abu Hurayrah.

.عن أبي هريرة -رضي الله عنه-، قال: قال رسول الله -صلى الله عليه وسلم-: «إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فَأَبَتْ فَبَاتَ غَضْبَانَ عليها لَعَنَتْهَا الملائكة حتى تصبح».

Source link