Home Wararka Maanta Mas’uul ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Laascaanood

Mas’uul ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Laascaanood

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul ka tirsanaa Somaliland loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Badweytims u sheegtay in ragga toogashada fuliyey ay goobta isaga baxsadeen, kadib dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay goobta gaareen, kadibna ay howl-gallo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay.

Sidoo kale illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa.

Saraakiisha ammaanka Somaliland oo ka hadlay dilka marxuum Cabdullaahi Laba-Go’le oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka mas’uulkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan.

Laascaanood oo ka mid ah magaalooyinka ee ay ka taliso Somaliland ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, waxaana laamaha ammaanku ay ku cel-celiyaan inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka amni ee ka dhaca magaalaasi oo xarun u ah Sool.

 

Source link