Home Wararka Maanta Maskaxdii ka dambeysay dilka Madaxweynihii Haiti oo 10-Cishe kadib la ogaaday!

Maskaxdii ka dambeysay dilka Madaxweynihii Haiti oo 10-Cishe kadib la ogaaday!

Dilka Madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise ee shakiga weyn iyo welwelka beeray kadib waxaa la raad-raacay Dadka looga shakiyay in ay fuliyeen toogashada & maskaxadii ka dambeysay shirqoolka.

Booliiska Colombia ayaa sheegay in Sarkaal katirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Haiti oo lagu magacaabo Joseph Felix Badio uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay in la toogto Madaxweyne Jovenel Moise.

Taliyaha Booliiska Colombia oo garab taagnaa sarkaal katirsan Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa si cad u sheegay in Koox Calooshood u shaqeystayaal ah ay toogteen Moise balse lagu taageeray.

Muuqaal uu baahiyay Teleefishinka CNN ee Mareykanka waxaa kasoo muuqday Koox hubeysan oo dhammaan jirkooda daboolay kuwaa oo ku dhuumanaya Gidaarka (Darbiga) Madaxtooyada kahor inta aysan toogan Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee Haiti ayaa dalbaday in lagu taageero baarista toogashada loo geystay Madaxweynihii dalkaas, Mareykanka oo ka jawaabay codsigaas ayaa saraakiil katirsan waaxda FBI-da geeyay caasimadda waddankaas.

 

Source link