Home Ciyaaraha Masiibada Dhaawacyada Oo Durba Ku Bilaabatay Real Madrid Ka Hor Bilaabashada Xilli...

Masiibada Dhaawacyada Oo Durba Ku Bilaabatay Real Madrid Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub & Xiddig Muhiim Ah Oo Bil Dhaawac Uga Maqnaan Doona. – Banaadirsom

Carlo Ancelotti Iyo Real Madrid ayaa war xun ka helay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo la xiqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos muddo bil ah garoomada uga maqnaan doono dhaawac gumaarka ah.

Kadib markii uu dhawr mar ka dhaawacmay gumaarka xilli ciyaareedkii hore Kroos ayaa haatan bilaabay soo kabashadadiisa isaga oo seegi doona kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub ee La Liga.

Los Blancos ayaa 14 bisha la ciyaari doonta Banaadirsom Alaves waxana la xaqiijiyay in uu xiddiga Kroos ka maqnaan doono kulankaas kadib dhaawaca soo gaadhay.

Banaadirsom ayaa xaqiijisay kadib baadhitaan ay samaysay in uu Toni Kroos ka dhaawacmay gumaarka lana filayo in uu muddo bil ah ka maqnaado garoomada isaga oo seegi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Dhaawaca Kroos ayaa war xun u ah Real Madrid marka la eego in uu xiddiga iyo kooxduba doonayaan in ay si fiican ku bilowdaan xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Source link