Home Arimaha Bulshada Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad...

Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan


Dhammaanteen waxaan rabnaa inaan yeelano xiriir jaceyl oo waara oo dhab ah waliba in aan farxad kula noolaano dadka aan jecelnahay laakiin inta badan waxa aan samaynayaa khalad marka aan dooranayno laaaneheena ama waxa aan samaynayaa khaladaad sabab u noqda in xidhiidhka jacaylku fashilmo.

Xaqiiqada ayaa ah in ayna dad badan ogayn in dhibaato lagu dhoco inta uu xidhiidhku jiro ay tahay mid iska caadi ah marka aan ka hadlayno xidhiidhka jacaylka dhabta ah, arintaasna lama macno ahan in ay tahay dhamaadkii xidhiidhka jacayl laakiin waxa laga yaabaa in ay tahay xidhiidh cusub oo waliba xoogan.

Guud ahaan wax walba oo ay tahay da’da dadka is jecel waxa jirta 5 marxaladood oo uu soo maro xiriir kasta oo jaceyl oo dhab ah waxayna kala yihiin sidan

Marxaladda 1

Marxaladda ugu horreysa ee xiriirka waa in aad jeclaato qof, Waxa uuna shaki ku jirin in jacalku yahay wax cajiib ah, waliba uu yahay rikooyinkeena iyo rajadeena, laakiin isla markaasna waxaan ka baqaynaa, in uu qofka aan jecelnahay in uu Ina diido ama in aan samayno khalad aan ku bur-burino wax walba.

Isla marka aan qofka jeclaano waxa aan isku dayaynaa in aan bilowno in aan isku dayno in aan soo jiidano waliba soo bandhigno tayooyinkeena ugu fiican si aan qofkaas u soo jiidano.

Marxaladda 2:

Kadib marka ay labada qof is jeclaadaan, jacaylka ayaa noqda mid awood leh ama xoogan waxana ay go’aansanayaan in ay is guursadaan kadib waxa meesha imanaya Caruur ay ku xoojiyaan jacaylkooda taas oo keenaysa in ay koriyaan waliba wax baraan caruurtaas taas oo sii xoojinaysa jacaylka ku jira qalbigooda waxana sii kordhaya fahamka ka dhexeeya marba marka ka dambaysa.

Inta lagu jiro marxaladdan, labada dhinacba waxay naftooda u huraan sii socoshada xiriirka, maxaa yeelay waxay og yihiin in guurku yahay xiriir wadajir ah oo u baahan tanaasul badan.

Labada lammaane ayaa ku jira heerkan halka ugu saraysa jacaylka waxana ay isaga dhawyihiin sidii hore.

Marxaladda 3:

Marxaladdan waxaa lagu gartaa dhacdooyinka dhibaatada iyo muranka ka dhex dhaca lamaanaha iyo saamaynta ay ku yeelanayso xidhiidhkooda, xidhiidhka ka dhexeeya ayaa noqonaya mid adag iyada oo ayna labada qofka iloobayaan faraxadii ay dareemi jireen.

Marxaladdan, qofku wuxuu dareemi karaa kelinimo, wuxuuna la yaabi karaa sida ay isu beddeshay hab -dhaqankii lamaanihiisii uu aadka u jeclaa waxana is badalaya sifooyinkii uu ku jeclaaday lamaaanihiisa.

Joogto iyo caajisnimo ayaa soo gala nolosha qofka inta lagu jiro marxaladdan, inta badan dadka lamaanaha ah ee is qaba waxa ay ku fashilmaan in ay dhaafaan marxaladan waxana xitaa dhacda in ay labada qof is furaan oo ay kala tagaan mana gaadhaan marxalada xigta sababta oo ah way kala tagaan labada qof.

Marxaladda 4:

Kaliya lamaanayaasha si guul leh uga gudbay marxaladdii hore ayaa gaadha marxaladdan sababta oo ah waxa ay awoodeen in ay ka horyimaadaan dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag ee ay wajahaan iyaga oo si weyn isku fahmaya.

Lammaanayaashu waxay mar labaad ku farxaan xiriirkooda, waxaa jira is -jacayl iyo is -afgarad xooggan.

Marxaladda 5:

Sida laga soo xigtay khubarada, lammaaneyaasha ka gudba dhibaatooyinka oo soo mara dhibaatooyinka xidhiidhkooda waliba guul ku dhaafa khilaafkaadka, waxa ay bulshada ku soo kordhiyaan Hal abuurka wanaaga iyo in ay bulshada u hor seedaan in ay badalaan dhaqanka bulshadooda.

Source link