Home Ciyaaraha Martin Odegaard Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal. – banaadirsom

Martin Odegaard Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal. – banaadirsom

Martin Odegaard ayaa ka fiirsanaya inuu ku laabto Arsenal madaama uu ku dhibtoonayo inuu la qabsado Real Madrid, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xiddiga reer Norway ayaa amaah ugu biiray Gunners bishii January isagoo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Bilowgii xagaagan Arsenal ayaa doonaysay in ay Odegaard ku sii haysato qaab amaah ah xilli ciyaareed kale ama ay qaab toos ah ula wareegaan xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Odegaar ayaa bishii hore sheegay in ay Real Madrid doonayso in ay sii haysato xiddiga xilli ciyaareedka soo socda.

Odegaard ayaa ku laabtay Real Madrid tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub laakiin wargayska Cadena SER ayaa sheegaya in uuna xiddigu ku qanacsanayn la qabsigiisa xiddigaha Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in uuna xiddiga 22 jirka ah ku faraxsanayn banaadirsom Real Madrid waliba doonayo in uu isaga tago banaadirsom Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Norway ayaa doonaya in uu ku laabto Arsenal suuqa xagaagan hadii ay tahay qaab amaah ah ama qaab toos ah hadii ay Arsenal ogolaato in ay Real Madrid heshiis la gaadho.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 10-ka Tayo Ee Ay Dumarku Ku Jeclaadaan Ragga, Hadii Aad Leedahay Arimahan, Gabadhuhu Way Isku Kaa Dilayaan.

Source link