Home Ciyaaraha Martin Odegaard Hogaamiye Ayuu Ka Noqonayaa Arsenal. – Banaadirsom

Martin Odegaard Hogaamiye Ayuu Ka Noqonayaa Arsenal. – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu xiddiga Martin Odegaard noqonayo hogaamiye dhab ah oo kooxda Arenal ah kadib guushii 1/0 ahayd ee ay ka gadheen Burnley.

Kulan ku adkaa Arsenal xiddiga Martin Odegaard Ayaa dhaliyay gool cajiib ah isaga oo Gunners ku hogaamiyay guushii 2-aad oo xidhiidh ah premier League.

Xiddiga reer Norway ayaa bartilmaameed u ahaa Arsenal suuqii xagaaga waxana uu ku biiray kadib wadahadalo wakhti dheer qaatay.

Isagoo la hadlayay BBC Sport ciyaarta ka dib, Arteta wuxuu yiri: “waxa uu dhalin karaa goolal, waxa uu leeyahay tayada uu ku heli karo weeraryahanka, waxa uu u shaqeeyaa si adag, waxa uu noqonayaa hogaamiyaha dhabta ah ee kooxda”.

Arsenal ayaa heshay 6 5-tii kulan ee ay ka ciyaartay horyaalka premier League xilli ciyaareedka waxana ay Arbacada la ciyaari doontaa kooxda Wimbledon tartanka Carabao Cup-ka.

Sii Akhriso: Qaabkee Ayaad Gabadha U Waydiisan Kartaa Numberkeeda Marka Aad Aragtida Ugu Horaysa Kaga Heshay

Source link