Home Wararka Maanta Mareykanka oo afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ku daray liiska argagixisada

Mareykanka oo afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ku daray liiska argagixisada

Dowladda Mareykanka ayaa mas’uuliyiin ka tirsan ururka Al.-Shabaab ku daray liiska argagixisada caalamiga ah.

Sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo sida uu Mareykanka sheegay ku magac dheer Ikrima ayaa ka mid ah liiska shan xubnood oo ka tirsan kooxaha jihaad doonka ah ee qaaradda Afrika.

Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Sheekh Cali Dheere) oo ah afhayeenka Al-Shabaab isla markaana ma mid ah hoggaanka sare ee ururkaasi ayaa sida ku cad war-saxaafadeedkaasi waxa qeyb ka yahay qorshaha weerarrada ururkaasi ee gudaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Cabdiqaadir Ikrima ayuu Mareykanka sheegay in ilaa sanadkii 2019-kii uu ahaa madaxa saadka iyo hawlgallada Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale qorsheeyay oo uu hagay weerarro ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Sidaa awgeed, Mareykanku waxa uu sheegay in la xayirayo hantida iyo danaha shakhsiyaadkani.

Mareykanka waxa uu ku goodiyay in liiskaasi argagixisada lagu soo dari doono cid kastaa iyo shirkadaha ganacsi ama maaliyadeed ee la macaamisho.

Wuxuu intaa ku daray in halista ururrada argagixisada ahi ee waddamada galbeedka, bariga iyo koonfurta Afrika ay u baahan tahay in laga wada shaqeeyo hawlgallada lagu xagal daacinayo awoodda iyo hawlgallada kooxaha argagixisada ahi.

Liiskan cusub ee Mareykanka waxaa sidoo kale ku jira Bonomade Machude Omar oo ku magac dheer Abu Sulayfa Muxammad iyo Ibnu Omar oo ah ninka hoggaamiya ciidamada Banaadirsom la baxday Dowladda Islaamka ee dalka Mozambique, Sidanag Hitta oo isna ku magac dheer Abu Qarwaniand Abu Cabdulxakiim Al-Kidali oo ka tirsan Banaadirsom Jamaacatul Nasrul Islaam wal Muslimiin ee dalka Mali ee magaceeda loo soo gaabiyo JNIM iyo Salem Ould Breihmatt oo ku magac dheer Abu Xamza Al-Shanqitiand Xamza Al-Mauritani, oo isna ka tirsan kooxdaasi JNIM ee dalka Mali.

Abu Xamza wuxuu sidoo kale qaraxyada dalka Burkina Faso u qaabilsan yahay kooxdaasi.

 

Source link