Home Ciyaaraha Marco Ansenio Oo Warqada Bixitaanka U Gudbinaya Maamulka Real Madrid. – Banaadirsom

Marco Ansenio Oo Warqada Bixitaanka U Gudbinaya Maamulka Real Madrid. – Banaadirsom

Marco Asensio ayaa lagu soo waramayaa inuu si aad ah ugu furan yahay inuu ka tago Real Madrid inta lagu jiro mid ka mid ah suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Mid kasta oo ka mid ah 25-kii kulan ee uu saftay xilli ciyaareedkan waxa uu ka yimid kursiga keydka beddelka isaga oo aan joogto ugu ciyaarin kooxda Los Blancos xilli ciyaareedkan.

Iyada oo wali xilli ciyaareedku dheeryahay kubad sameeyaha ayaa fursad u haysta in uu jabiyo shaxda tababare Carlo Ancelotti.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegayo wariye Anton Meana, xiddiga reer Spain ayaa laga yaabaa in uu warqada bixitaanka u gudbiyo maamulka kooxdiisa.

Asensio waxa uga hadhay heshiiskiisa kooxda Real Madrid muddo 2 sano ah taas oo Real ku qasbi karta in ay xiddiga iska iibiso xagaaga 2022.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.

Source link