Home Ciyaaraha Man United Oo Xasuuqday Leeds United, Bruno Fernandes Oo Saddexley Ku Bilowday...

Man United Oo Xasuuqday Leeds United, Bruno Fernandes Oo Saddexley Ku Bilowday Xilli Ciyaareedka & Red Devils Oo Durba Fariin Dirtay. – Banaadirsom

Banaadirsom Man United ayaa xasuuqday Banaadirsom Leeds United kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsnaaa kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka premier League.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si isku dheeli tiran iyada oo ay labada kooxoodba raadinayeen sidii ay u furi lahaayeen goolasha xilli ay Man United maamulaysay dhinaca kubad hasashada.

Laakiin Man United ayaa daqiqiadii 30-aad dhalisay goolka 1-aad kadib markii uu Bruno Fernandes baas sixir ah ka heleay Paul Pogba kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kaan dhigay ciyaarta 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Leeds United ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha xilli ay Man United doonaysay in ay dhaliso gool ay ku disho ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United hogaaminayso kulanka xilli Leeds United soo bandhigtay qaab ciyaareed geesinimo leh.

Qaybta dambe

Banaadirsom Leeds United ayaa qaybta dambe ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay keenaan goolka bar-baraha ka hor inta uuna wakhtigu ka dhicin ciyaartuna sii fogaan.

Daqiiqadii 48-aad ayay Leeds United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Luke Ayling kaas oo gool gantaal ah u dhaliyay kooxdiisa kana dhigay ciyarta 1/1.

Xiddiga ugu fiican kulanka oo ahaa Paul Pogba ayaa dhankiisa soo bandhigay qaab ciyaareed wareer ah isaga oo ku lug lahaa goolashii ay Banaadirsom Man United dhalisay kulankan.

Daqiiqadii 54-aad ayuu Paul Pogba baas waali ah u dhiibay xiddiga Mason Greenwood kaas oo gool ka dhaliyay ciyaartana ka dhigay 2/1 ay Man United ku soo laabatay hogaanka ciyaarta.

Isla Paul Poba ayaa 2 daqiiqo kadib gaar ahaan daqiiqadii 54-aad baas kale oo adduun kale ka yimid u dhiibay Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Man United ku hogaaminayso ciyaarta.

Man United ayaan halkaas ku sii joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolasha si ay u sii dheeraystaan goolasha ciyaarta waxana mar kale soo laabtay waliba dhaliyay goolkiisii 3-aad xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Paul Pogba oo aan gool dhaliye ka dhicin kulankan wacdaraha uu dhigayo ayaa daqiiqadii 68-aad caawiye ka noqday goolkiisii 4-aad ee ciyaarta isaga oo markan u dhiibay xiddiga Fred kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul weyn ku furtay xilli ciyaareedka fariin cadna u dirtay kooxaha xilli ciyaareedkan premier League ka ciyaaraya.

Sii Akhriso: Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta?

Source link