Home Ciyaaraha Man United Oo Waayi Doonta Adeega Marcus Rashford Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub,...

Man United Oo Waayi Doonta Adeega Marcus Rashford Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub, Sabab. – banaadirsom

Wararka ka Imanaya dalka England ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford laga yaabo inuu seego labada bilood ee ugu horeysa xilli ciyaareedka cusub ee Horyaalka Premier League.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Man Unted waayi doonto adeega xiddiga Marcus Rashford tan ilaa bisha October ee soo socota.

Wargayska ayaa maqnaanshaha xiddiga ku sababeeyay qaliin uu ka mari doono garabka kadib markii uu xiddigu dhaawac ka dareemay booskaas mudadadii ugu dambaysay.

Xiddiga Rashford ayaa Salaasadii maray baadhitaan lagu ogaaday in uu xiddigu u baahanyahay qaliin kadib markii uu dhaawac muddo ah kaga cabanayay booskaas.

Xiddiga ayaa sidaas darteed ka maqnaan doona labada bilood ee ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub isaga oo seegi doona 8-da kulan ee ugu horeeya horyaalka sidoo kale seegi doona 3 kulan oo wareega Group-yada champions league.

Source link