Home Ciyaaraha Man United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig Real Madrid...

Man United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig Real Madrid Laga Nacay – Banaadirsom

Banaadirsom Man United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Luka Jovic sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Serbia ee 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Banaadirsom Eintracht Frankfurt ka hor intii uuna 52 milyan ugu biiriin Banaadirsom Real Madrid xagaagii 2019.

Xiddiga ayaa ku dhibaatooday Real Madrid xilli ciyaareedkii hore isaga oo kaliya dhaliyay 2 gool 32 kulan oo uu ciyaaray taas oo keentay in amaah loogu diro kooxdiisii hore qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Wargayska Tribal Football ayaa sheegaya in ay Man United si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga reer Serbia inta uuna xidhmin suuqa xagaagan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa taageere weyn u ah xiddiga weerarka ka ciyaara waxna uu maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan inta lagu jiro xagaagan kadib qaliinkii lagu sameeyay Marcus Rashford.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Source link