Home Ciyaaraha Man United Oo Muddo Laba Bil Ah Weyneysa Xiddigooda Rashford, Maxay Tahay...

Man United Oo Muddo Laba Bil Ah Weyneysa Xiddigooda Rashford, Maxay Tahay Sababta ? – banaadirsom

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Igiriiska ayaa sheegaya in United ay weynayaan farsamada Rashford labada bil ee ug horeeysa xilli ciyaareedkaan ee horyaalka Ingiriiska .

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in Rashford uu ka maqnaan doono United illaa iyo bisha October

Waxa  uuna wargeyskaas xusayaa in sababta ay tahay in laacibka uu go`aansaday in qalliin looga sameeyo garabka taasi oo uu muddo ka sheegtay

Talaadadii ayaa baartaan lagu sameeyay laacibka waxaana cadaatay in dilaac uu kaga jiro garabka iyadoo arintaas aan toos looga arag baaritaanadii sanadkii hore dhamaadkiisa lagu sameeyay

Rashford ayaa ka baqaya in jugtaas ay sii balaarato  waxa uuna haatan go`aansaday in qalliin lagu sameeyo , waxaana loo badinayaa in arintaas ay dhaceyso dhamaadki bishaan

Ka dib qalinkaas , ku dhawaad 6 todobaad ayuu tababraka ka maqnaanayaa ka dibna 12 asbuuc ayuusan cagta soo saareyn garoomada

Arintaan dhabar ayay jab ayay ku tahay United waxa ayna tani micnaheedu tahay in 8-da kulan ee ugu horeeya horyaalka uu seegayo laacibka , sedexd kulan ee wareegga group-yada Champion-ka iyo 5 kulan oo qaranka  Ingiriiska ciyaarayaan kuwaasi oo ah is reeb reebka koobka aduunka ee dhacaya September iyo October

 

Source link