Home Ciyaaraha Man United Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Saxiixa Saul Niguez –...

Man United Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Saxiixa Saul Niguez – Banaadirsom

Manchester United ayaa iska fogeysay inay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Saul Niguez, sida ay wararku sheegayaan.

Saul ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda heysata horyaalka La Liga suuqa kala iibsiga ee haatan, iyadoo Chelsea ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay chelsea la xidhiidhay Atletico Madrid si ay xiddiga 26 jirka ah qaab amaah ah ugu helaan xiddiga ka hor inta ayna qaab toos ah ula wareegin.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay Man United dhankeeda isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Spain si ay ugu xoojiso kooxda iyada oo Red Devils wadahadalo la qaadatay kooxda si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Mail ayaa sheeaya in ay Man United iska fogaysay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga walia ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link