Home Ciyaaraha Man United Oo Heshay Waddo Ay Chelsea Ugu Garaacayso Saxiixa Harry Kane...

Man United Oo Heshay Waddo Ay Chelsea Ugu Garaacayso Saxiixa Harry Kane – banaadirsom

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u isticmaasho Anthony Martial dalab ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Chelsea ayaa la aamisanyahay in ay ugu cad-cadahay saxixia xiddiga kaas oo lagu heli karo lacag dhan 150 milyan oo euro hadii uu ka tagayo banaadirsom Dortmund suuqa xagaagan.

Dortmund ayaa si cad u diidan in ay xiddigo ku hesho heshiiska xiddiga maadama lacagta ay dalbanayso ay meesha ka saari doonto kooxaha doonaya saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay Dortmund u soo bandhigto saxiixa Martial si ay u hesho saxiixa xiddiga Haaland xagaagan.

Xiddiga reer France ee Martial ayaa ka baxay qorshaha Man United ee xilli ciyaareedka dambe waxana ay kooxdu doonaysaa in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaagan.

Source link