Home Ciyaaraha Man United Oo Guuldaro Weyn Kala Kulantay QPR Kulankoodii 2-aad Ee Isku...

Man United Oo Guuldaro Weyn Kala Kulantay QPR Kulankoodii 2-aad Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub. – banaadirsom

banaadirsom QPR ayaa cashar u dhigtay Man United kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub xilli ay Red Devils la kulantay guuldaro lama filaan ah.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankan hogaamiyay kooxdiisa saacado yar kadib markii uu heshiis 3 sano ah u saxiixay banaadirsom Man United mustaqbalkiisana ugu hogaamiyay.

Laakiin Solskjaer ayaa guuldaro ugu dabaal dagay heshiiskiisa cusub iyada oo QPR dhabarka u saartay guuldaro lama filaan ah kulan saaxiibtinimo ahaa.

Man United ayaa goolka ku hor martay iyaga oo uu Jesse Lingard daqiiqadii 3-aadba u dhaliyay goolka 1-aad laakiin QPR ayaa daqiiqadii 7-aad dhalisay goolka baraha.

Qaybtii dambe ayuu xiddiga Lydon Dykes laba gool kala dhaliyay daqiiqadihii 53, iyo 59 isaga oo kooxdiisa QPR u dheereeyay hogaanka ciyaarta kana dhigay 3/1.

banaadirsom QPR ayaa sii waday goolasha daqiiqadii 58-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Moses Odubajo kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 laakiin xiddiga Anthony Elagana ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee Man United.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guuldaro 4/1 ah la kulantay sidaasna ula kulantay guuldaradii 1-aad ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.

Source link