Home Ciyaaraha Man United Oo Guul Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedk Cusub....

Man United Oo Guul Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedk Cusub. – banaadirsom

banaadirsom Man City ayaa garaacday banaadirsom Derby County kulan ka tirsanaa isku diyaarinta Red Devils ee xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Ole Gunnar Soslkaer ayaa tijaabiyay xiddigaha kooxdiisa ee tababarka qaadanayay todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo ku ciyaaray shax xiddigo da’yar ah u badan maadama ay inta badan xiddigaha banaadirsom 1-aad fasax ku maqan yihiin.

Kulanka ayaa ahaa mid ay banaadirsom Man United maamulaysay inkasta oo ay iska caabin yar kala kulmeen banaadirsom Derby County qaybtii dambe ee ciyaarta.

Daqiiqadii 18-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Tahith Chong kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Wixii goolkaas ka dambeeyay Derby ayaa United ka hor istaagtay in ay dhaliyaan goolal intaas ka badan iyaga oo si fiican u difaacanayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Red Devils hogaaminayso natiijada ciyaarta xilli Derby ay isku dayday in ay iska dhiciso United.

Qaybtii dambe ayaa ku bilaabatay gool ay Man United dhalisay daqiiqadii 59-aad waxana u dhaliyay xiddiga Facundo Pellistir kaas oo hogaanka u dheereeryay kooxdiisa Man United kana dhigay 2/0.

Laakiin Derby ayaa soo laabatay iyaga oo iska caabin kala hor tagay United isla markaasna dhaliyay gool daqiiqadii 70-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Colin Kazim-Richards kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul 2/1 ah sidaasna guul ugu bilaabatay kulamada isku diyarinta xilli ciyaareedka cusub.

Source link