Man United Oo Bar-Baro Ku Dhamaystay Wareega Group-yada champions league Xilli Ragnick Is Badal Waali Ah Sameeyay. – Banaadirsom

Kooxda Man United ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Young Boys kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada labada kooxood ee tartanka champions League.

Kulanka ayaa ahaa mid uu tababare Ralf Ragnick ka yaabiyay adduunka kadib markii uu 11 is badal ku sameeyay shaxdiisa waliba ciyaarta ka reebay dhamaan xiddigaha waaweyn ee kooxda.

Hadana Arintaas ayaan Man United ka hor istaagin in ay ahaato kooxda fiican ee kulanka iyaga oo ka awood badnaa kooxda Young Boys.

Daqiiqadii 9-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Man United.

Kooxda Young Boys ayaa daqiiqadii 42-aad ee qaybta hore ee ciyaarta bar-baraysay iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Fabian Rieder kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah Man United-na sii wado guul daro la’aanta tababareheeda cusub


Source link