Home Ciyaaraha Man United Oo 10 Xiddig Suuqa Dhigaysa Suuqa Xagaaga Kadib Saxiixa Raphael...

Man United Oo 10 Xiddig Suuqa Dhigaysa Suuqa Xagaaga Kadib Saxiixa Raphael Varane. – banaadirsom

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imanaya 10 xiddig oo kooxdeeda ka mid ah suuqa kala iibsiga xagaagan.

Marka ay Man Unitd ku dhawaaqdo saxiixa Raphael Varane Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu u dhaqaaqo xiddig cusub oo khadka dhexe ah.

Sida laga soo xigtay ESPN, Man United ayaa isku dayi donta in ay iska iibiso xiddigaha banaadirsom jooga ee aan ka mid ahayn qorshaha tababaraha banaadirsom reer Norway xilli ciyaareedka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay xiddigaha Jesse Lingard iyo Phil Jones ka mid yihiin xiddigaha ay kooxdu iska iibin doonto suuqa xagaagan.

Sidoo kale xiddigaha Brandon Williams, Diogo Dalot, Alex Telles, Andreas Pereira, Daniel James & Anthony Martial ayaa ka mid ah xiddigaha ay kooxdu suuqa si Rasmi ah u dhigtay.

Solskjaer ayaan aisoo kale wali go’aan ka gaadhin mustaqbalka Goolhayayaasha David De Gea iyo Dean Henderson halka uu Paul Pogba ka mid yahay xiddigaha laga yaabo in ay banaadirsom ka tagaan xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 10-ka Tayo Ee Ay Dumarku Ku Jeclaadaan Ragga, Hadii Aad Leedahay Arimahan, Gabadhuhu Way Isku Kaa Dilayaan.

Source link