Home Ciyaaraha Man United & Liverpool Oo Arsenal Kula Biiray Baacsiga Xiddig Arsenal U...

Man United & Liverpool Oo Arsenal Kula Biiray Baacsiga Xiddig Arsenal U Waalanayso. – banaadirsom

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa ku biiray tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee banaadirsom Lyon ee Houssem Aouar sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa ku fashilantay saxiixa Aouar xagaagii la soo dhaafay madaama ay Lyon dalbanaysay lacag dhan 60 milyan oo euro halka uu sidoo kale Aouar ka biyo diidayay in uu ku biiro Arsenal maadama ayna ka ciyaarayn champions League.

Laakiin banaadirsom reer France ayaa haatan si weyn hoos ugu dhigtay qiimaha ay ku dooneyso xagaagan, waxaana haatan la fahamsan yahay in ay aqbalayso dalab dhan 25 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga.

Arsenal ayaa haatan dib u soo cusbooneysiisay xiisihii ay u qabtay Aouar iyada oo uu xiddiga khadka dhexe u furanyahay in uu ku biiro banaadirsom Arsenal.

Si kasta ha ahaatee ESPN ayaa sheegaysa in ay kooxaha Man United iyo liveprool ku biireen tartanka xiddiga iyaga oo xiiso u muujiyay si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.

Wararka ayaa sheeaya in ay Liverpool Aouar u arkaan badalka Georginio Wijnaldum oo ka tagay banaadirsom kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

Dhanka kale, United ayaa sidoo kale isha ku heysa Aouar iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu u arko Xiddiga khadka dhexe ee reer France bedelka ugu macquulsan ee Paul Pogba, kaasoo kaliya hal sano uga harsan yahay Heshiiskiisa Old Trafford.

Source link