Home Ciyaaraha Man United Iyo Arsenal Oo Real Madrid Ka Caawinaya Saxiixa Kylian Mbappe...

Man United Iyo Arsenal Oo Real Madrid Ka Caawinaya Saxiixa Kylian Mbappe & Erling Haaland, Qaab Noocee – Banaadirsom

Banaadirsom Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan u dhaqaaqayso in ay baanka u jabiso saxiixa xddiga Banaadirsom PSG ee Kylian Mbappe kadib markii ay kooxaha premier League ka iibisay xiddigeheeda.

Todobaadkii hore Real Madrid ayaa Raphael Varan ka iibisay Man United halka ay todobaadkan Arsenal ka iibinayso xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard.

Arintaas ayaa la macno ah in ay Real Madrid gacanta ku dhigtay lacag dhan 300 oo milyan tan ilaa markii uu bilowday sanadkan sida laga soo xigtay warayska MARCA Waxana ay arintaas ka caawinaysaa saxixia Mbappe.

18-kii bilood ee ugu dambeeyay Real Madrid ayaa lacago ka heshay xiddigaha Achraf Hakimi, Oscar, Sergio Reguilon, Varane & Odegaard taas oo siisay lacag fician oo ay suuqa ku gasho.

Wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in ay Madrid dareenkeeda u jeedinayso saxiixa xiddiga Mbappe kaas oo ay doonayso in ay baanka u jabiso saxiixiisa ka hor inta ayna xagaaga dambe u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Haaland.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Dumarku U Doorbidaan In Ay Guursadaan Ninka Xaaska Leh Oo La Ogaaday.

Source link