Home Ciyaaraha Man United, Arsenal Mise Liverpool? Kooxdee Ugu Cad-Cad Saxiixa Houssem Aouar –...

Man United, Arsenal Mise Liverpool? Kooxdee Ugu Cad-Cad Saxiixa Houssem Aouar – banaadirsom

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ugu cadcad tahay saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee Lyon Houssem Aouar xagaagaan sida ay sheegayaan wararku.

23 jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago kooxdiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo xiiso ka helaya kooxo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Manchester United, Arsenal iyo Tottenham Hotspur.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Le10Sport, Liverpool ayaa haatan ah banaadirsom ugu cad-cad saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo lagu heli karo lacag dhan 22 milyan oo euro.

Reds ayaa raadineysa inay la soo wareegto bedelka Georginio Wijnaldum, waxaana ay ilaa haatan ku dhibaatoonaysaa bartilmaameedyada ay doonayso in ay hesho.

Aouar ayaa dhaliyay 32 gool waxana uu caawiye ka noqday 31 kale 170 kulan oo uu u saftay banaadirsom Lyon tartamada oo dhan oo ay ka mid yihiin 8 gool iyo 4 caawin oo uu sameeyay xilli ciyaareedkii hore.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Source link