Home Ciyaaraha Man City Vs Norwch , Tababare Pep Oo Rikoor Liita Waligiisna Aan...

Man City Vs Norwch , Tababare Pep Oo Rikoor Liita Waligiisna Aan Ku Dhicin Kala Bixi Kara Kulankaan – Banaadirsom

Man City ayaa hamineysa in ay wadada guusha ku soo laabtaan ka dib markii kulankoodii hore ee furitaanka horyaalka ay la kulmeen guul darro

Xogta Kulanka

* Man City 21 gool ayay ka dhaliyeen Norwic City kuwaasi oo yimid 5 kulan oo ay PL ka ciyareen iyadoo Etihad la joogo iyadoo kulankii ugu dambeeyay uu ahaa July 2020 waxa ayna waqtigaas ku garaaceen 5 gool

* Guul-daradii ugu weyneyd ee ay Norwich kala kulmaan kooxaha ugu sareeya horyaalka waxa ay aheyd Man City kuwaasi oo 7 gool ku garaacay bishii November ee sanadkii 2013-kii
* Norwich City waxa ay badiyeen laba kulan oo qeyb 31 kulan ay la yeesheen City , 7 bar bar dhac iyo 22 guul darro ayay wataan

* Man City ayaa laga badiyay sedex kulan oo isku xiga dhamaan tartamada iyadoo aysan wax gool ah dhalin ah , waana markii ugu horeeysay tan iyo March sanadkii 2007-dii

* Tababare Pep ayaa ka cararaya in uu la kulmo guul-daradii 4-aad ee xariir ah , hadii ay dhacana waxa ay u noqoneyasa markiisii ugu horeeysay aayihiisa kubadda cagta ka tababare ahaan

* Norwich City waxa ay wataan 11 guul daro oo isku xigta oo horyaalka ah , kaliya waxaa dhacadaas kaga sareysa Sunderland oo 20 guul darro xariir ah qaabishay inta u dhaxeysay 2003-2004-tii

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta?

Source link