Home Ciyaaraha Man City Vs Leicester City, Man United Vs Everton, & Kulamada Xiisaha...

Man City Vs Leicester City, Man United Vs Everton, & Kulamada Xiisaha Leh Ee Maanta La Ciyaari Doono – Banaadirsom

Maanta oo sabti ah waxa jira kulamo xiiso leh oo ay ciyaari doonaan kooxaha premier League kuwaas oo ah kuwo kala duwan hadii ay saaxiibtinimooyin tahay iyo hadii ay kulamo Rasmi ah tahay.

Sidoo kale waxa maanta la ciyaari doonaa Final-ka kulanka Kubada cagta Ragga ee Ciyaaraha Olympic-da iyada oo ay wada ciyaar doonaan xulalka Brazil iyo Spain.

Hadii aynu ka horayno final-ka ciyaarta Olympic-da.

Kulanka ayaa dhex mari doona xulalka Spain iyo Brazil iyaga oo ku dagaalayama Billada dahabka ah ee kubada cagta Ragga iyaga oo soo galaya kulanka iyaga oo isha ku haya guul.

Kulanka ayaa soo gali doona 2:30 duburnimo wakhtiga Somaliya iyada oo xul walba ka go’antahay in ay billada dahabka ah ugu guulaystaan dalkooda.

Kulmada kale:

Banaadirsom Man City ayaa la ciyaari doonta Leicester City final-ka community shield-ka o ay labada kooxood isaga hor iman doonaan sidii caadada u ahayd taariikhda kubada cagta England.

Man City oo ku guulaystay premier League xilli ciyaareedkii hore ayaa la ciyaari doonta Banaadirsom Leicester City oo ku guulaystay koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore.

Kulanka ayaa soo gali doona 7:15 fiidnimo wakhtiga Somaliya iyada oo ay laabda kooxood isha ku hayaan ku guulaysiga koobka

Dhanka kale kulan xiiso leh oo saaxiibtinimo ah ayaa dhexmari doona kooxaha Everton iyo Man United iyada oo labada kooxood ciyaari doonaan kulan xiiso leh oo ay isku tijaabin doonaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa soo gali doona 2:45 duhurnimo waxana aan natiijada idiin soo bandhigi doonaa isla marka ay ciyaartu dhamaato sidii caadada ahayd.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Source link