Home Ciyaaraha Man City Oo Rikoodh Waali Ah Ka Dhigtay Kulankii Tottenham Inkasta Oo...

Man City Oo Rikoodh Waali Ah Ka Dhigtay Kulankii Tottenham Inkasta Oo Laga Badiyay Kulanka. – Banaadirsom

Banaadirsom Man City ayaa si niyad jab leh ku bilaabatay difaacashada premier League kadib markii ay guuldaro kala kulantay Banaadirsom Tottenham kulan ka dhacay garoonka north London.

Guularadaas ayaa timid inkasta oo uu Tababaraha Banaadirsom Man City ee Pep Guardiola ku soo galay shaxdii ugu qaalisanayd taariikhda premier League.

Tababare Guardiola ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigiisa ugu qaalisan ee Jack Grealish kaas oo Banaadirsom ugu soo biiray lacag dhan 100 milyan oo euro suuqa xagaagan.

Pep Guardiola ayaa shaxdiisa ku soo galay xiddigo ku fadhiya lacag dhan 528 milyan oo euro taas oo ah rikoodh taariikhi ah oo aan horay uga dhicin horyaalka premier League.

Ederson (£34m), Joao Cancelo (£60m), Nathan Ake (£40m), Ruben Dias (£65m), Benjamin Mendy (£49m) ayaa ahaa lacagta ay ku fadhiyeen goolhayaha iyo daafaciisu.

khadka dhexe Fernandinho (£30m), Ilkay Gundogan (£20m) halka xiddigaha weerarka ku fadhiyeen lacagaha Raheem Sterling (£49m), Mahrez (£60m) & Torres (£21m).

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link