Home Ciyaaraha Man City Oo Loo Sheegay Xiddiga Ay U Dhaqaaqdo Badalka Harry Kane....

Man City Oo Loo Sheegay Xiddiga Ay U Dhaqaaqdo Badalka Harry Kane. – banaadirsom

Trevor Sinclair ayaa banaadirsom Man City u sheegay in ay u dhaqaaqdo xiddiga Tammy Abraham halkii ay 160 milyan ka bixin lahayd xiddiga Harry Kane.

Kabtanka reer England ayaan wax koob ah kula guulaysan Tottenham waxana uu codsaday in uu isaga tago banaadirsom xilli ciyaareedka dambe iyada oo lala xidhiidhinayo banaadirsom Man City.

Wararka ayaa todobaadkan sheegaya in ay Tottenham dalban doonto lacag dhan 160 milyan oo euro hadii ay iibinayso xiddiga reer England inta lagu jiro suuqa kala iibsia xagaagan.

Sinclair ayaa City u sheegay in ay diirada saarto xiddig kale oo weerarka ka ciyaara halka ay lacag waali ah ka bixin lahayd saxiixa xiddiga Harry Kane suuqa xagaagan isaga oo gaar ahaan u tilmaamay xiddiga Tammy Abraham.

Isaga oo ka hadlaya in ay Man City u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Tammy Abraham ayaa yidhi”Haa waa in ay u dhaqaaqdo”.

“Waa xiddig da’yar ah waliba Pep Guardiola waxa uu leeyahay awood uu kula shaqeeyo, waana xiddig heer sare ah”.

“Ma jiro xiddig dhamaystiran gaar ahaan in uu jiro 23 sano waliba uu samayn karo horumar weyn”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada

Source link