Home Ciyaaraha Man City Oo Ku Xanaaq Furatay Norwich Xili Saxiixooda Cusub Grealish Uu...

Man City Oo Ku Xanaaq Furatay Norwich Xili Saxiixooda Cusub Grealish Uu Shabaqa Soo Taabtay – Banaadirsom

Man City ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Norwich xilli kooxda Pep ay maamuleen kulankaan waxa ayna ku badiyeen shan gool xilli ay xusid mudan tahay in City kulankoodii hore la kulmeen guul darro ay ka qaabileen Tottenham

Guud ahaan qeybtii koowaad ee ciyaarta City iyaga ayaa kubadda haystay waliba qaab cadaadis  ahayay ku bilaabeen kulanka

City cadaadiskooda waxa ay ku keeneen gool waqti hore ah ka dib markii daafaca Norwich City is qaldeen waxaana si qaldan isaga dhaliyay  mid ka mid ah xiddigaha Norwich  daqiiqaddii 7-aad

City kulankaan aad ayay u dhaq dhaqaaqayeen waxaana ka go`naa goolal waqti  hore ah xilli daqiiqadii 15-aad  Ferran Torres laga diiday gool ka dib markii lagu laabtay VAR

Norwich waxa ay ka sheegteen in kubadda si sax ah u soo jiidaan waxa ayna Man City heleen gool  labaad waxaana daqiiqadii 22-aad dhaliyay saxiixooda cusub ee Grealish xilli ay xusid mudan tahay in goolashaas uu ka shaqeeayay  Jesus

City is fahan weyn ayaa ka dhaxeeyay, daafac ahaan waa wacnaayeen oo Norwich waa u diideen in kubadda agooda soo gaarsiiyaan

Qeybta labaad , City cadaadis waa sii wadeen waliba gool sdexad ayay dagaal ugu jireen xilli kbadda ay ku hayeen aagga goosha Norwich

Kooxda Norwich xitaa isku dayadooda waa ay liiteen, weerar ahaan maqane jooge ayay ahaayeen xilli City dagaalka qadka dhaxe iyaga ku guuleysteen waxa uuna Pep badalkiisa ugu horeeyay ku soo giliyay Raheem oo daqiiqadii 60-aad loo saaray Torres

Kubadda waxa ay meereysaneysay goosha kooxda martida ilaa gool sedexaad looga daray waxaana City u dhaliyay Laporte daqiiqadii  64-aad

Ka dib dhacadaas , Norwich waa bur bureen xilli Raheem oo badel lagu soo giliyay daqiiqadii 61-aad ayaa saxiixa goolkaas daqiiqadii 71-aad xilli uu goolkaas ka shaqeeyay jesus

City bandhigooda caadi ma aheyn waxa ayna heleen gool 5-aad oo uu saxiixay Mahrez kaasi oo soo galay ciyaarta daqiiqaidi 75-aad waqtigaas oo loo saaray Grealish xilli goolka uu dhashay daqiiqadii 84-aad ,waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 5-taas gool.

 

 

 

 

Source link