Home Ciyaaraha Man City Oo Juventus U Soo Bandhigtay Qorshe Ay Kaga Doonayaan Saxiixa...

Man City Oo Juventus U Soo Bandhigtay Qorshe Ay Kaga Doonayaan Saxiixa Cristiano Ronaldo – Banaadirsom

Kooxda Man City ayaa u muuqata in ay dareenkooda u jeediyeen saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu Harry Kane uu go’aansaday in uu iska sii joogo Tottenham.

Man City ayaa suuqa xagaagan oo dhan ku raad joogtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara si ay ugu xoojiyaan booska weerarka oo uu ka baxay xiddiga Sergio Aguero oo qaab xor ah uga tagay kooxda.

Kooxda Guardiola ayaa xagaagan oo dhan ku raad joogtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo ay doonayeen in ay ku xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin Xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane ayaa maanta xaqiijiyay in uu sii joogi doono kooxdiisa taas oo keentay in ay Man City dareenkooda u jeediso saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay kooxda Man City u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Man City dhigooda Juventus u soo bandhigtay labada xiddig ee Bernardo Silva iyo Aymeric Laporte si ay u helaan saxiixa Cristiano Ronaldo xagaagan.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link