Man City Oo Guul Xaraarad Leh Ka Gaartay Watford , Silva Wacdaro Ayuu Dhigayaa – Banaadirsom

Sheekada Ciyaarta: Man City ayaa guul ay u qalantay ka gaartay Watford ka dib ciyar hal dhinac aheyd

Qeybta koowaad ayaa lagu nastay laba gool oo nadiif ah xili goolasha City yimadeen daqiiqadihii 4-ad iyo 31-aad waxaa kala saxiixay Raheem iyo Silva

Kooxda Watford waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah xilli City mararka qaar heerka maamulkooda uu gaarayay %80

Soo laabashadii, City weerar ahaan waa dageen inkastoo kubadda ku badnaayeen xilli Watford u muuqdeen kuwo ka wacan qeybtii hore oo si sax ah ayay kubadda u gaarsiinayeen aagga goosha City

Watford daafac ahaan aad ayay wacan yihiin balse weerarka City iyo maamulka kubadooda ma aheyn wax la celin karay illaa ay ka keeneen gool sedexaad waxaana si cajiib ah u dhaliyay Silva daqiiqadii 63-aad

Pep waxa uu badalkiisa ugu horeeyay daqiiqadii 67-aad ku soo giliyay De Bruyne iyo Mehraz oo loo saaray Greelish iyo Ilkay Gundogan

Watford rogaal celiska ayay ku tiirsanaayeen ilaa ay keeneen gool daqiiqadii 74-aad , waxa ayna City ka dib soo giliyeen Jesus oo loo saaray Foden

City , kubadda cagtooda ayay aheyd maraka qaar maamulak %77 ayay gaarsinayeen waa u nuglayeen gool 4-aad in ay helaan, waxa ayan City ku dhameeyeen ciyaarta frriin ah in sanadkaan horyaalka doonayaan meel sare ka gaaraan.

 

 


Source link