Man City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Wolves , Goolhayaha Ayaa Bad-baadiyay – Banaadirsom

Kulankaan si ayuu Man City ugu adkaa inkastoo Wolves dhamaadkii qeybtii hore kaarka casaanka laga qaatay ka R. Jimenez

City kubadda waa ay haysteen waxaase ka maqnaa dhameystirka iyo in ay natiijo u turjumaan maamulka .

Wolves waxa ay ku wacnaayeen daafaca iyo kubadaha rogaal celiska ah xilli mararka qaar ay ahaayeen halis muuqata .

Halista City waxa ay ka socotay garbaha mararka qaraana nasiibka ayaa ka maqnaa illaa ay keeneen gool daqiiqadii 66-aad waxa ayna aheyd rigoore uu dhaliyay Raheem .

City guud ahaan kulankaan waxaa ka muuqday daal halka Wolves niyad jab ka qaadeen kaarka casaanka ee laga qaatay

City mararka qaar heerka kubad haysashadooda waxa uu gaarayay %73 balse ceebta ay lahaayeen waxa ay tahay in kubadda aysan gaarsiineyn gudaha fog ee Wolves

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay City  ku badiyeen xilli waqtigii geerida uu bad baadiyay City goolhayahooda kaasi oo bad baado cajiib ah sameynayay


Source link