Home Ciyaaraha Man City Oo Diyaarinaysa Dalab Furitaan Ah Oo Ay Ka Gudbiso Xiddig...

Man City Oo Diyaarinaysa Dalab Furitaan Ah Oo Ay Ka Gudbiso Xiddig Ka Ciyaara Premier Leageu – banaadirsom

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay tijaabiso go’aanka Aston Villa iyadoo dalab 90 milyan oo euro ah ka gudbinaya saxiixa xiddga Jack Grealish.

Ka qayb galkii England ee euro 2020 ayaa soo dhamaaday kadib markii laga qaaday tartanka xulka England, Grealish ayaana la filayaa in uu ahaado xiddig si weyn loo hadal hayn doono sanadkan.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa la rumaysanyahay in uu xiddiga 25 jirka ah u calaamadsaday bartilmaameedkiisa ugu weyn xagaagan waxana uu doonayaa in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man City ayaa 90 milyan oo euro ah ka gudbinaysa saxiixa xiddiga reer England kaas oo noqon doona saxiixooda ugu qaalisan hadii ay helaan saxiixiisa.

Wararka ayaa sheegaya in uu Grealish doonayo dhankiisa in uu ku biiro banaadirsom Man City kana hoos ciyaaro tababare Guardiola sidoo kale ka ciyaaro tartanka champions League.

Source link