Home Ciyaaraha Man City, Man United, Chelsea & Arsenal Oo Saxiixyo Cusub Samayn Kara...

Man City, Man United, Chelsea & Arsenal Oo Saxiixyo Cusub Samayn Kara Todobaadyada Soo Socda. – Banaadirsom

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxaha premier League suuqa ugu jiraan xoojinta kooxdooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kooxaha premier League ayaa haatanba sameeyay saxiixyo cusub iyada oo ay ilaa haatan ugu waaweyn yihiin saxiixyada Sancho iyo Varane oo ku biiray Man United Ben White oo ku biiray Banaadirsom Arsenal.

Laakiin maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay kooxaha premier League sameeyaan saxiixyo waaweyn iyada oo koox walba isku diyaarinayso xoojinta kooxdooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Shabakada Express Sport ayaa soo bandhigay saxiixyada maalmaha soo socda dhici doona ee kooxaha premier League sameeyaan.

Manchester City:

Hadii wax walba u dhacaan sida ay tahay Man City ayaa laba jeer jabin doonta rikoodhka suuqa kala iibsiga iyaga oo ugu horayn lacag 100 milyan ah ku dhamaystiri doona saxiixa xiddiga Aston Villa ee Jack Grealish.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Banaadirsom Man City ayaa sidoo kale rikoodhka suuqa u jabin doonta xiddiga Banaadirsom Tottenham ee Harry Kane iyada oo Tottenham doonayso 150 milyan oo euro.

Chelsea

Kadib markii baacsigii chelsea ugu jirtay Erling Haaland soo dhamaaday chelsea ayaan wakhti iska lumin iyaga oo bilaabay baacsiga ay ugu jiraan xiddiga Banaadirsom Inter Milan ee Romelu Lukaku.

Chelsea ayaa ilaa haatan laga diiday laba dalab oo uu midkii ugu dambeeyay ayaa lacag dhan 85 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Marcos Alonso, laakiin chelsea ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda dalab 110 milyan ah kula laabato Inter Milan.

Dhanka kale chelsea ayaa suuqa ugu jirta daafac dhexe waxana ay doonaysaa xiddiga Banaadirsom Sevilla ee Jule Kounde iyaga oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay haatana labada kooxood ka wadahadlayaan qiimaha xiddiga.

Manchester United

Kadib markii ay keentay xiddigaha Sancho iyo Varane, Red Devils ayaa haatan diirada saaraysa xoojinta khadka dhexe.

Xiddiga Banaadirsom Atletico Madrid ee Saul Niguez iyo Xiddiga Wolves ee Ruben Neves ayaa lala xidhiidhinayaa Banaadirsom Man United iyaga oo labada xiddigba ugu cad-cad in ay helaan marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale.

Arsenal

Banaadirsom Arsenal ayaa dhankooda diirada saaraya in ay la soo saxiixdaan xiddig khadka dhexe ee weerarka ah kadib markii ay si fiican ku bilowdeen suuqa xaagaagan waliba sameeyeen 3 saxiix.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiaha Martin Odegaard iyo James Maddison waxana ay xitaa haatan dalab lacag iyo xiddig ah ka gudbisay xiddiga Maddison iyada oo wadahalo kula jirta Banaadirsom Leicester City.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Source link