Home Arimaha Bulshada Maku dhibaatoonaysaa In Aad Xidhiidh Jacayl Samaysid, Shaki La’aan 5-tan Arin Ayaa...

Maku dhibaatoonaysaa In Aad Xidhiidh Jacayl Samaysid, Shaki La’aan 5-tan Arin Ayaa Sabab U Ah


Waxa jirta dhalin yar badan oo ay ku adagtahay in ay sameeyaan xidhiidh jacayl waliba inta noloshooda ka dhiman ku qaata kalinimo ama soo baraaruga oo wakhti dambe raadiya xidhiidh jacayl.

Dhalin yar badan oo Ragg iyo dumar ah ayay ku adkaataa in ay sameeyaan xidhiidh jacayl inkasta oo ay wakhti badan ku qaataan in ay raadiyaan qofkii ay nolosha la wadaagi lahaayeen.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa arimaha sababta u noqon kara in ay kugu adkaato in aad samayso xidhiidh jacayl.

1.In Aad Dhibaato ama ceeb u hesho qof walba oo aad is barataan:

Arintan ayaa ah mida ugu caansan waana in wiilku ceeb ama dhibaato u helo gabadh walba oo barto sidoo kale Gabadhu ceeb ama dhibaato u hesho wiil walba oo ay is bartaan taas oo keenaysa in uuna xidhiidhku muddo dheer sii socon waliba si deg-deg ah ku bur-buro.

2.In Aad jeceshahay kalinimada oo aanad doonayn qof noloshaada ku soo biira:

Wiilal iyo Gabdho badan ayay dhacdaa in ay wakhti dheer kali ahaadaan taas oo keenta in ay jeclaadaan kalinimada taas oo diiqad galinaysa marka uu qof kale ku soo biiro noloshooda taas oo keenaysa in ay isla markiiba qofkaas isaga hadhaan oo ayna la sii wadin xidhiidhka.

3.In Aad Jeceshahay Shaqadaada ama waxbarashadaada arintaasna muhiimada saarayso:

Waa arin kale oo ku badan dhalinta Somaaliyeed, wiilka ama gabadha ayaa laga yaabaa in ay jecelyihiin shaqadooda ama waxbarashooda taas oo keenta in ayna wakhti u helin in ay xidhiidh la sameeyaan qofk kale taas keenaysa in ay ku dhibaatoodaan in ay samayeen jacayl.

4.In Ayna Samir Lahayn:

Xidhiidhka jacaylka ayaa mara marxalado kala duwan waxana laga yaabaa in ay wakhti u baahantahay si uu wiilku u helo gabadh jecel sidoo kale gabadhu hesho wiil jecel laakiin waxa jira dhalinta qaar aan samir u lahayn arintaas taas oo keenaysa in ay isaga hadhaan xidhiidhka mudo yar kadib.

5.Sugitaanka Qofka Ugu Fiican:

Waxa uuna shaki ku jirin in gabadh iyo wiil walba doonayo qofka ugu munaasibsan uguna fiican laakiin adduunka ayaa ah mid aan dhamaystirnayn mana jiro qof dhamaystiran laakiin labada qof iyaga ayaa is dhamaystira.

Sidaas darteed dhalinta ayaan samayn xidhiidh jacayl halka uu mid walba sugayo qofka munaasibka ku ah.

Source link