Home Ciyaaraha Maddison, Kane, Lukaku, Kounde, Jack Grealish, Ronaldo & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa...

Maddison, Kane, Lukaku, Kounde, Jack Grealish, Ronaldo & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga. – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Banaadirsom Arsenal ayaa dalab Rasmi ah oo xiddig iyo lacag ah miiska u saartay Banaadirsom Leicester City si ay uga helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Maddison (football.london).

Banaadirsom Man City ayaa diyaar u ah in ay Tottenham miiska u saarto dalab lacageed oo dhan 130 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Harry Kane (Athletic).

Banaadirsom Inter Milan ayaa dalab Rasmi ah oo 100 milyan oo euro ka diiday Banaadirsom chelsea kuwaas oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku (Metro).

Romelu Lukaku ayaa dhankiisa u furan in uu ku biiro Banaadirsom Chelsea hadii ay Inter Milan kala heshiiso saxiixa xiddiga reer Belguim (Sun).

Xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara Banaadirsom Man City ee Aymeric Laporte ayaa doonaya in uu midkood ku biiro kooxaha Real Madrid ama Barcelona (90min).

Banaadirsom Sevilla ayaa Chelsea ka diiday dalab lacag iyo xiddiga Kenedy kaas oo ay Blues ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe ee Jules Kounde (Sun).

Xiddiga Banaadirsom Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku dhaw in uu ku biiro Banaadirsom Real Madrid (AS).

Kooxaha PSG iyo Man United ayaa aad uga kala fog qiimaha ay Red Devils ku qiimayso xiddiga khadka dhexe Paul Pogba (Mirror).

Banaadirsom Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddigaha Alisson, Virgil van Dijk, Andy Robertson & Mohamed Salah kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddigaha Fabinho iyo Trent Alexander-Arnold (Mirror).

Banaadirsom Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddigaha Jesse Lingard & Anthony Martial si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Eduardo Camavinga, Kieran Trippier Iyo Declan Rice (Star).

Chelsea ayaa dhankeeda suuqa dhigtay 11 xiddig oo ay ku jiraan xiddigaha Kurt Zouma, Ross Barkley iyo Danny Drinkwater si ay ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Romelu Lukaku (Star).

Jack Grealish ayaa qarka u saaran in uu ku biiro Banaadirsom Man City isaga oo haatan ku sugan magaalada Manchester (Mail).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Source link