Madaxweynihii Hore Xasan Shiikh Oo Farriin U Diray Dowlada Somaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Xasan Sheesh Maxamuud ayaa ka hadlay sababta ay u sameeyeen Xisbiga qaran ee dhawaan uga Dhawaaqeen Magaaladda Muqdisho.

Xassan Sheekh Maxamuud oo Maanta Xubno ka tirsan Xisbigiis la wadaagay waxa ay tahay Madasha Xisbiyada Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaalinta xisbiga UPD iyo sababihii keenay in qaar ka mid ah xisbiyada dalka ka jira ay madashaan ku midoobaan ayaa sheegay in ay tahey Badbaadinta qaranimada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Madashani ay tahay aragtida siyaasaddeed ay badbaadada qaranka ugu midoobeen xisbiyada qaran ee ku mideysan, isagoona xusay in xisbiyada iskaashigoodu ay saldhig u tahay in la helo siyaasad furan oo aan caburin wadan dalka lagu badbaadiyo.

1 October ee sanadkaan 2019 ayay aheed markii Xisbiyada isbaheysiga looga dhawaaqay Muqdisho, xisbiyaan Midoobay ayaa kala ah Wadajir, Himilo Qaran, UPD iyo Ilays waxa ayna horay u soo wada saari jireen War-Saxaafadeedyo ay ku dhaliilayaan hab-dhaqanka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa dad badan waxaa ay u arkaan mid ay ku muujinayaan saameynta Siyaasadeed ay leeyihiin dalka, ismuujinta iyo u diyaar garow doorashada 2021 si ay loolan adag ula galaan Madaxda Dowladda Federaalka oo laga yaabo in ay tartamaan.