Madaxweynihii hore ee Kenya Kibaki oo geeriyooday isagoo 90 jir ah






Nairobi (Banaadirsom) –  Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday Maanta oo jimco ah isagoo ku jira da’da 90-aad.

Geerida Mwai Kibaki ayaa waxaa xaqiijiyey madaxweynaha hadda hayo talada dalkaas Uhuru Kenyatta.

Mwai Kibaki ayaa ahaa madaxweynihii Sedexxaad ee soo maray Dalka Kenya, wuxuuna xilka hayey 2003 illaa 2013.

Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweynahii hore ee geeriyooday.

Sidoo kale madaxweyne Kenyatta ayaa amray in hoos loo dhigo calanka dalkaas.












Source link