Home Wararka Maanta Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle & Guddoomiyaha Hiiraan oo ku wajahan Buulo Burte.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle & Guddoomiyaha Hiiraan oo ku wajahan Buulo Burte.

Madaxweyne ku xigeenka DG Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, Wasiiro, Mas’uuliyiin Gobolka Hiiraan & Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta lagu wadaa in ay tagaan Degmada Buulo Burte oo muddo dheer u go’doonsan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin katirsan Hir-Shabeelle waxa ay Mustaqbal u sheegeen in Yuusuf Dabageed iyo wafdigiisa ay ka jawaabayaan cabasho kasoo yeertay maamulka Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka DG Hir-Shabeelle & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kulamo ka yeeshay sidii go’doonka looga saari lahaa Degmooyinka Gobolkaas iyada oo la kaashanayo Xukuumadda Federaalka & AMISOM.

Yuusuf Dabageed marka uu soo idleeyo kulamada waxa uu ku wajahan Magaalada Muqdisho oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo 8-dii July 2021 kasoo laabtay safar uu ku maqnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dhankiisa u sii gudbaya Degmooyin kale oo katirsan Gobolka si uu ugu kuurgalo xaaladaha Amniga, Bani aadamnimada iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin mas’uuliyiinta wakiilka uga ah Degmooyinkaas.

 

Source link